Bilow wanaagsan oo aan dhammaad lahayn!
Stories

Bilow wanaagsan oo aan dhammaad lahayn!

HomeBlogBilow wanaagsan oo aan dhammaad lahayn!

By Gacalo Founders14 August 2025
Bilow wanaagsan oo aan dhammaad lahayn!

Bilow wanaagsan oo aan dhammaad lahayn!

Waxa aan maalinta Talaadada ku daahfuranay kulankeennii u horreeyay isbarasho iyo aqoon-is-weedaarsi aad u qiimo badan. Waxa uu ahaa kulan bilowgiisii horeba laga dareemay guulaha ay hiigsan doonaan mustaqbalka dhow ee gabdhaheenna Tiknoolajiyadda ku jira.

Gacalo Tech waa goob ay gabdhaheenna lagu dhiso xirfadahooda Tiknoolajiyadeed, si loo abuuro jiil cusub oo awood u leh inay wax ku soo kordhiyaan dunida casriga ah ee maanta lagu maamulo tiknoolajiyadda.

Fikirka ah in aan abuurno meel gaar ah oo gabdhaheenna lagu dhiirrigeliyo, laguna tababaro, waxa uu naga dhashay markii aan aragnay in gabdhaheenna ay ka maqan yihiin — amaba ay aad ugu yaryihiin — suuqa shaqada dhinaca IT-ga. Sababta ugu weyn waxay ahayd in badan oo ka mid ahi aysan haysan talo, hage, ama aqoon ku filan oo ay ku shaqo galaan.

Boggaan Gacalo Tech Space waxa uu noqday meel ay si kalsooni leh u imaan karaan gabdhaha dhigta jaamacadaha iyo kuwii baxsanba, si ay u helaan taageero, tababar, iyo hagitaan nololeed iyo xirfadeedba.

Aad ayaan ugu mahadcelineynaa dhammaan gabdhihii nagu garab istaagay daahfurka barnaamijkeenna, iyo qof kasta oo qayb ka qaatay dhismaha goobtan quruxda badan ee maanta bulshada u adeegta.